Hargeysa-23-08-2021-(BulshoTv)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah culimada Soomaalida ee ka qaybgalay kulan miimeedkii saddexaad ee Ansaaru-sunna ee dhawaan ka qabsoomay ka caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Ugu horrayn wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey culimada isaga timi waddamada deriska iyo daafaha caalamka, waxana uu ugaga mahadnaqay wacdiyadii iyo waanooyinkii arrimaha diinta la xidhiidhay ee ay maalmahanba siinayeen bulshada reer Somaliland.Qaar kamid ah culimadda waaweyn ee kulanka ka qaybgalay oo ay kamid yihiin Sheekh Cabdirisaaq Cabdilaahi General Jiir, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Sheekh Almis Yaxye, Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike, Dr. Cali Maxamed Saalax iyo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu u qaabilay, iyaga oo si guudna Jamhuuriyadda Somaliland ugu ammaanay nabadda iyo amniga taabbo-galka ah ee ka jira, isku-duubnida iyo midnimada shacabka iyo xukuumadda ka dhaxaysa iyo xiisaha bulshadu u qabto barashada diinta Islaamkana si weyn u bogaadiyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *